Siidow Cali oo qoyskiisa ku helay barnaamijka baafinta ee BBC
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Siidow Cali oo qoyskiisa ku helay barnaamijka baafinta ee BBC

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa todobaadkan u dabaaldageysa sanad guuradii 60-aad ee ka soo wareegtay markii ay hawada soo gashay oo ah 18-kii July 1957.

Ilaa iyo inta laga gaarayo 18-ka bishan, waxaan hawada idiin soo marin doonaa barnaamijyo gaar ah oo ku saabsan waqtigii ay BBC-da la soo qaadatay ummadda Soomaaliyeed.

Maanta waxaan eegaynaa barnaamijka baafinta iyo sida uu uga qeyb qaatay isu raadinta qoysaska kala lumay.

Weriyaha BBC Bashkas Jugsoo-dhacay ayaa xerada qaxootiga ee Ifo waxa uu kula kulmay Siidow Cali Xasan oo barnaamijka baafinta ee BBC-da ku helay dad ka maqnaa.