Waraysi: Mustafe Kiiko iyo fankiisa allifaadda laxannada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Mustafe Kiiko iyo fankiisa allifaadda laxannada

Cuudka ama kabanku waa aaladda ugu dhawaqa dabacsan ee Muyuusigga Soomaalida dhadhanka gaarka ah u yeesha, waa aaladda bisha heesaha Soomaalida ee qaaci iyo qaraamba leh ee aan laga xiise goyn.

Hadaba Mustafe Maxamed Weris oo ku magac dheer Mustafe kiiko ayaa ka mid ah hal abuurka muusigga iyo naaxiyadaha lagu qaado heesaha, cuudkuna waaba ka uu ku sargooyo laxannada uu heesaha u sameeyo.

Kiiko wuxuu muddo dheer ku noolaa dalka dibaddiisa, dhawaan ayuu se ku noqday magaalada Hargaysa waxaana halkaa kula kulmay weriyaha BBC-da Axmed Siciid Cige oo ka waraystay guud ahaan fankiisa iyo gaar ahaan allifidda alxaanta iyo isku fadhiisinta codka, laxanka iyo dhawaqa muusigga.