Taariikhda magaalada qadiimiga ah ee Harar
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taariikhda magaalada qadiimiga ah ee Harar

Mid ka mid ah magaalooyinka ugu da'da weyn uguna barakaysan dalka Itoobiya ayaa todobaadkan waxa ay jirsatay kun iyo toban sano.

Kumannaan isugu jira dalxiisayaal iyo dadka deegaanka ayaa dabbaaldegyo ku qabanayay magaalada Harar ee Bariga Itoobiya ee uu dayrku ku wareegsan yahay, mararka qaar lagu tilmaamo inay tahay Makada Afrika.

Magaaladan caanka ku ah masaajidda iyo xarumaha kale ee lagu cibaadysto ayaa 2006-kii waxa ay hay'adda UNESCO ku dartay liiska Goobaha Dhaxalgalka ah ee Caalamka.

Dadka ku nool magaalada Harar ayaa iyaguna sidoo kale waxa ay xiriir gaar ah la yeesheen dhurwaaga, kaas oo qeyba ka mid ah magaalada dhib la'aan iska dhex mushaaxa.

Weriyaha BBC-da Emmanuel Igunza ayaa booqday magaaladaasi taariikhda, dhaqanka iyo diintuba kulmisay, warbixintan ayuuna inooga soo diray. Waakan Xasan Cali Geelle oo soo jeedinayo.