Soomaaliya iyo South Sudan oo iska kaashanaya la dagaallanka tahriibka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya iyo South Sudan oo iska kaashanaya la dagaallanka tahriibka

Todobaadkan sii dhamaanaya waxaa magaalada Muqdisho laga dejiyey 3 qof oo la sheegay in laga soo dhoofiyey magaalada Juba ee dalka South Sudan.

Waxaa loo haystaa inay ka mid ahaayeen kooxaha dadka tahriibiya.

Waxaa isna ka sii horreeyey oo todobadyo ka hor Muqdisho la gaarsiiyey nin loo haysto inuu madax u ahaa qolyaha dadka tahriibiya.

Hadaba sidee u suurto gashay qabashada raggas.

Arrintaas ayuu Faarax Lamaane wax ka weydiiyey Shaafici Nuur Calas oo ah xoghayaha 1aad ee safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay magaalada Juba.