Muwaadiniinta Dutch-ka ah ee UK degan oo waayi kara dhalashada Holland - Waraysi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muwaadiniinta Dutch-ka ah ee UK degan oo waayi kara dhalashada Holland - Waraysi

Ra'isal wasaaraha Holland, Mark Rutte, ayaa sheegay in muwaadiniinta dalkiisa ee qaata dhalashada dalka Ingiriiska si ay ugu suurto gasho in ay sii deganaadaan Ingiriisku marka uu si buuxda uga baxo Midowga Yurub ay waayi doonaan Baasaboorkooda Holland maadaama ay xeerarka jiraa xadidayaan lahaansha laba dhalasho.

Qiyaastii boqol kun oo muwaadiniin Dutch ah oo ku nool Britain ayuu mustaqbal aan la saadaalin karini soo food saaray maadaama oo dalka ay deganyihiin ee Ingiriisku si buuxda uga baxayo Midowga Yurub bisha March 2019.

Dadkaas waxa ka mid ah kummanaan Soomaali ah oo degan Ingiriiska waxaana ka mid ah Fowsiya Mire oo qudheedu waa hore kasoo guurtay Netherland waxaanay sida ay go'aankan u arkaan uga warrantay Cabdiraxmaan Bidhaan.