Masar oo lagu dhaliilay Muslimiinta Shiinaha ah ee ay xidhxidhay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Masar oo lagu dhaliilay Muslimiinta Shiinaha ah ee ay xidhxidhay

Dalka Masar waxa ku nool jaaliyad abaabulan oo ka tirsan qawmiyadda Uighur-ka ee ah Muslimiinta laga tirada badanyahay ee dalka Shiinaha. Badankoodu waxay Masar markii hore u tageen in ay wax ka bartaan Jaamacadda Al-Azhar oo ah xarunta ugu magaca dheer ee culuumta diiniga ah ee mad-habka Sunniga.

Uighurs-ku waxay muddo dheer ka cabanayeen cadaadis ku salaysan isir iyo diin oo ay ka muteen dawladda Shiinaha, laakiin sida ay sheegeen dad xogogaala oo Masar joogaa waxa dhawaan dalkaa lagu xidhxidhay tobanaan qof oo tirsan jaalliyadaa.

Ururada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay xadhiga dadkaas waxayna ugu baaqeen maamulka Masar in aanay dadkaa la xidhxidhay u mastaafurinin Shiinaha. Sally Nabil ayaa warbixintan Qaahir ka soo dirtay, Cabdifataax Ibraahim Cagayare ayaa soo jeedinay