Waraysi: Nasra oo ah makaanik gawaaridda cillad bixisa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Nasra oo ah makaanik gawaaridda cillad bixisa

Duruufaha nololeed ee ka jira guud ahaan ba dhulka Soomaalida ayaa haween badan ku kallifay in ay shaqooyin adag oo hore loogu yaqaanay ragga oo keliya qabtaan.

Waxa dumarkaa ka mid ah Nasra Xaaji Xuseen oo ku nool magaalada Muqdisho.

Nasra waa makaanik farsameeya gawaadhida waxaanay ka shaqaysaa geerash ku yaal magaaladaas.

Hadaba ka sokow shaqadaa adag ee ay qabato caqabadaha maalin laha ah ee ay la kulanto iyo sida dadka ay u adeegtaa u arkaan farsamadeeda iyo shaqadan ay haysaba waxay uga warantay weriyaha BBC-da Cabdifataax Ibraahim Cagayare oo kula xidhiidhay khadka telefoonka ee magaalada Muqdisho.