Iran oo sheegtay in ciidanka badda Maraykanku daandaansadeen kuweeda

. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption .

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in maraakiib uu leeyahay ciidanka badda Maraykanku ku soo dhawaadeen doonyo ay leeyihiin oo roondo kaga jiray Gacanka, isla markaana ay ku rideen buluu laydh taas oo ah bay yidhaahdeen waa markii labaad muddo dhawr cisho ah.

Warbixin ay soo saareen ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in saxiimadaha dheereeya oo ay leeyihiin ilaalaynayeen raxan maraakiib ah oo Maraykanku leeyahay oo uu ku jiro ka diyaaradaha xambaara ee USS Mimists oo ka tallaabayey Gacanka.

Waxay warbixintu sheegtay in maraakiibta Maraykanku diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah ku soo kiciyeen oo ay dul heehaabtay riigga saliidda ee Resalat ee Iran ee ku yaal badda dhexdeeda. Waxa kale oo ay sheegtay in ay fariimo digniin ah u direen saxiimadaha Iran oo ay ku rideen buluu laydh, taas oo ay ku tilmaantay tallaabo daandaansi ah.