Guriga madaxweyne xigeenka Kenya oo dabley weerartay

Madaxweyne xigeenka Kenya, William Ruto Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxweyne xigeenka Kenya, William Ruto

Wararka ka imanaya Kenya ayaa sheegaya in dabley aan la garanayni u dhaceen xayndaabka guri madaxweyne xigeenka Kenya, Willaim Ruto, ku leeyahay degmada galbeedka dalka ku taal ee Uasin Gishu.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ragga weerarka ahaa xoog ku jiidheen askari boolisa oo afaafka hore ilaalinayey ka dibna ay galeen gudaha.

Waxaanu intaa wargeysku ku daray in ay dableydaasi wali guriga ku jiraan hase yeeshee ciidan boolis ahi goobta gaadheen.

Waxa la maqlay sanqadha dhawr xabadood oo gudaha laga riday. Wargeyska kale ee Star ayaa isna sheegay in guriga la weeraray daqiiqado uun ka dib markuu ka baxay Ruto oo olole ka waday galbeedka Kenya.