Kenya: Sarkaalkii ka tirsanaa gudida doorashooyinka intaanu dhiman waa la jidh-dilay

Chris Msando wuxuu ahaa madaxa qaybta ICT ee gudida doorashooyinka Kenya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Chris Msando wuxuu ahaa madaxa qaybta ICT ee gudida doorashooyinka Kenya

Qalliin baadhitaan ah oo lagu sameeyey meydka sarkaal ka tirsanaa gudida doorashooyinka Kenya oo maydkiisa bilawgii todobaadka la helay ayaa lagu ogaaday in ninka dhintay si xun loo jidh dilay oo la ceejiyey.

Dhakhtarkii qaliinka sameeyey ayaa sheegay in meydka Chris Msando ay nabarro waaweyni kaga yaalleen dhabarka iyo gacmaha.

Msando wuxu madax ka ahaa qaybta codaynta kombuyuutarka ee lagu codaynayo habka casriga ah ee elektaroonik-ga ah ee lagu qabanayo doorashooyinka madaxtooyada ee dalkaa ka dhacaya maalinta Salaasada ah ee soo socota.

Waxa Meydkiisa laga helay meel kayn ah isagoo ag yaal meydka qof dumar ah dabayaaqadii todobaadkii hore.

Af-hayeen dawladda u hadlay oo la yidhaa Eric Kiraithe ayaa xaqiijiyey in baadhitaanka arintan lagu hayaa weli socdo, waxaanu ganafka ku dhuftay warar sheegayey in dad la tuhunsanyahay la qabtay.

Warbixin ay si wada jir ah u soo saareen Maraykanka iyo Ingiriisku ayey ku sheegeen in ay "aad uga xunyihiin" dilkaa, waxaanay ku baaqeen "doorashooyin xor iyo xalaal ah oo nabadgelyo ah".

Labadaa dal waxay sidoo kale ku yabooheen in ay gacan ka gaystaan baadhitaanka. Qoyska Msando ayaa iyaguna dawladda Kenya ku boorriyey in ay aqbasho yaboohaa si "arrinta si dhakhso ah loogu soo af-jaro".