Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo oo xilka laga qaaday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo oo xilka laga qaaday

Baarlamaanka Khaatumo ayaa xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii maamulkaas, Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) iyo afar xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamanka, ka dib markii madaxweynaha maamulkaas Dr Cali Khaliif Galaydh, qoraal lagu eedaynayo u gudbiyey.

Eedaha loo cuskaday xilka qaadiddaas waxa ka mid ah in madaxweyne xigeenka iyo xildhibaannadaa kaleba ay ku kaceen falal, sida uu sheegay Galaydh, liddi ku ah maamulka Khaatumo.

Hadaba Dr Cali Khaliif Galaydh oo jooga magaalada Buuhoodle ayaa khadka teleefanka ugu warramay weriyaha BBC-da Axmed Maxamed Ibraahim (Axmednagaashe) oo marka hore waydiiyey bal in uu faahfaahiyo go’aankaa baarlamaanka Khaatumo gaadhay.