Ololaha naas nuujinta oo Jowhar ka socda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ololaha naas nuujinta oo Jowhar ka socda

Ururka haweenka ee magaalada Jowhar ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday magaaladaasi ololaha naasnuujinta oo caalamka oo dhan todobaadkan laga xusayay.

Ololahan ayaa imanaya xilli hay'adda UNICEF qeybteeda Soomaaliya ay todobaadkan soo saartay daraasad cusub oo ay ku sheegtay in saddex ka mid ah tobankii hooyo ee Soomaaliya ku nool ay lixda bilood ee ugu horreysa carruutooda ku habaan naas kaliya.

Hadaba Ruqiyo Cabdille Cali, uqeybsanaha arrimaha caafimaadka ee ururka haweenka ee magaalada Jowhar, waxa ay khadka taleefanka ugu warrantay weriyaha BBC-da, Ibraahim Maxamed Aadan, oo safar shaqo ku joogo magaaladatan Nairobi.