Kenya oo nabadgelyada adkaynaysa doorashada ka hor
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya oo nabadgelyada adkaynaysa doorashada ka hor

Dawladda Kenya ayaa sheegtay in ay hawl gelisay in ka badan 150 kun oo askari oo nabad gelyada sugi doona inta lagu jiro doorashada guud ee dalka ka dhici doonta maalinta Salaasada ah.

Ka sokow rabshadaha la filan karo in ay dhacaan marka natiijada doorashada lagu dhawaaqo, arintaas oo dad badan ay cabsi ka qabaan, ayaa waxyaabaha kale ee laga baqayo in ay dhici karaan waxa ka mid ah weerarro argagixiso oo lala beegsado qeybo ka mid ah dalka.

Gobollada inta badan weerarada argagixiso ka dhacaan waxa ka mid ah gobolka Woqooyi Bari oo dad badani farta wadnaha ku hayaan.

Hadaba weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato ayaa booqday magaalada Mandheera oo weerarro ka dhacay dawladda Kenya ku eedaysay Al-Shabaab, warbixintan ayaanu nooga soo diray.