Qaraxyada Muqdisho ka dhaca you saamayntooda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaraxyada Muqdisho ka dhaca iyo saamayntooda

Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho waxay dhibaato xoog leh ka soo gaartaa dadka rayidka ah gaar ahaan kuwa maraya wadooyinka ee hawlahooda caadiga ah wata.

Habeen hore qarax ka dhacay wadada dheer ee Makka Al-Mukarama waxa musiibo ay qabsatay qoys maalin joog ka soo laabtay.

Hooyo iyo carruurteeda oo wada socda ayaa la kulmay qaraxa, waxaana halkaasi ku dhintay hooyadii, waxana dhaawacmay sedex carruura oo ay dhashay.

Carruurtaas waxa hadda isbitaalka kula jira habaryartood Safiyo Faarax Rooble, waxayna khadka taleefanka ee Muqdisho ugu warantay weriyaha BBC Ibrahim Maxamad Adan oo hadda safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi.