Minneapolis: Bandhigga farshaxanka Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Minneapolis: Bandhigga farshaxanka Soomaalida

Xarunta bandhigga farshaxanka Soomaalida ee lagu magacaabo Soomaal oo ku taal magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay bandhiga farshaxan oo ay ka soo qayb galeen saddex iyo toban dhalinyaro Soomaali ah oo soo bandhigay farshaxankooda.

Bandhigan oo ujeedadiisu ahayd in dadka loo soo qadimo noocyada kala duwan ee farshaxanka Soomaalida isla markaana lagu dhiirri geliyo dhalinyarada hibada u leh farshaxanka ee damacsan in ay iyaguna hal abuur farshaxan la yimaadaan.

Kaamil Cabdilaahi Xaydar, oo ka mid ah asaasayaasha badhigga farshaxanka Soomaal ayaa xafladdan ay soo qaban qaabiyeen uga warramay Siyaad Saciid Saalax oo ah weriye madax bannaan oo degan Minneapolis.