Sacudiga oo weriyayaal kusoo wareejiyay magaalo ay kula dagaalameen Shiico

EPA Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Boqorka Sacudi Carabiya

Saxafiyiinta la geeyay magaalada Awamiya ayaa sheegay in ay kusoo arkeen wadooyinka magaaladaasi xaalad degaansho ah, balse ka dib toddobaadyo ay halkaasi ka soconayeen isku dhacyo ayaa magaaladu u muuqataa goob dagaal.

Gudaha dhismoooyinka burburay ayaa waxaa ka buuxa oo dhex daadsan fooqa rasaasta ay labada dhinac is weydaarsanayeen.

Ma jiraan tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha halkaasi ka dhashay, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in sagaal qof oo shacab ah ay dhinteen asbuucii lasoo dhaafay oo keliya.

Saraakiisha dowladda Sacudi Carabiya ayaa sheegay in mintidiinta Shiicada ay ku dhuumaalelysanayeen nawaaxiga magaalada taariikhiga ah ee Awamiya.

Magaalada Awamiya ayaa haatan gabi ahaanba burburtay, balse waxaa jiro qorshayaal dib loogu dhisayo.