Natiijada rasmiga ah ee doorashada Kenya oo maanta lagu dhawaaqi doono

BBC
Image caption Wafula Chibokati guddoomiyaha IEBC

Guddiga doorashada ee Kenya ayaa uga digay mucaaradka in sheegashadooda ah in musharaxooda Raila Odinga uu ku guueleytay doorashada madaxweynaha, ayna tahay sharci daro.

Mucaaradka ayaa baahiyay tirooyin u gaar ah, iyaga oo sheegay in Raila Odinga uu codadka kaga horeeyo madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyata.

Arrintaan ayaa khilaafsan natiijooyinka horu dhaca ah taasi oo muujineysa in Uhuru Kenyata uu si weyn ugu horeeyo codadkii la dhiibtay salaasadii.

Guddiga doorashada ee Kenya ayaa kolsii horeysay ku gacan seeray eedeymaha ka soo yeeraya isbaheysiga mucaaradka ee NASA, iyaga oo sheegay in qolyaha jabsaday hanaanka guddiga doorashada ay wax ka bedeleen natiijada doorashada.

Prof Cabdi Yacquub Guuliye, oo ka mid ah guddiga doorashooyinka Kenya, ayaa isaga oo ku sugan xarunta ay ku soo dhacayaan natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada waxa uu u sheegay weriyaha BBC-da Cabdifitah Ibrhaim Cagayare in wax la jabsaday aysan jirin.

Madaxa guddiga doorashooyinka ee Kenya Wafula Chebukati, ayaa sdioo kale u sheegay BBC-da in ay iyagu yihiin gudiga kaliya ee sharciga ah ee loo ogolyahay inay tiriyaan codadka.

Mr Wafula ayaana waxa uu ku eedeeyay isbaheysiga mucaaradka inay heestaan xisaabaad qaldan.

Natiijada kama dambeysta ah ee cida ku guuleysata ayaa lagu dhawaaqi doonaa maaanta oo Jimca ah.

Sikastaba, kormeerayaasha caalamiga ah ee doorashada ayaa ku tilmaamay in doorashadan ay tahay mid ku dhaceyso si xor iyo cadaalad ah.