Walaaca ka taagan ukunta sumaysan ee suuqyada Yurub soo galay

. Lahaanshaha sawirka .
Image caption .

Dambi baadheyaasha dalka Holland ayaa xidhay laba qof oo lagu tuhunsanyahay kiimikada laga helay ukunta suuqyada Yurub galay ee dalkaa laga dhoofiyey.

Arrintani waxay dhacday ka dib markii baadhitaanno boolisku ka wadeen dalalka Holland iyo Belgium ay ugu daateen guryo wadammadaa ku yaala.

Dacwad oogaha guud ee dalka Holland ayaa sheegay in uu jiro nin maareeye ka ah shirkad la rumaysanyahay in ay u adeegsatay daryeelka digaageeda walxo kiimidaad.

Fipronil ayaa ah daawo loo adeegsado in digaagga lagaga dilo huunyada lakiin haddii muddo dheer la wado xaddigana la kordhiyo, waxay halis caafimaad ku keentaa aadanaha hilibka digaagaa cuna oo waxay wax yeeshaa kelyaha iyo beerka.

Waa walax laga mamnuucay in loo adeegsado daryeelka xoolaha, mar horena waxa boolisku baadheen dhismeyaal ku yaala dalalka Holland iyo Belgium.

Malaayiin xabo oo beed ah ayaa laga qaaday khaanadaha tukaammada waawayn ee ku yaala Yurub oo dhan, hase yeeshee waxay saraakiisha baadhitaanadan wadaa sheegeen in khatarta caafimaad ee ka dhalan karta xaddiga kiimikadaas ah ee ku jira ukuntani ay aad u hoosayso.