Hoggaamiyahii mucaaradka Etienne Tshisekedi oo meydkiisa Congo

BBC Lahaanshaha sawirka Empics
Image caption Hoggaamiyaha mucaaradka Congo Etienne Tshisekedi

Qoyska iyo xisbiga hoggaamiyahii rugcadaaga ahaa ee mucaaradka Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congno Etienne Tshisekedi, ayaa waxa ay ku dhawaaqeen inay heshiis cad la galeen xukuumadda Kinshasa si meydka hoggaamiyahaasi looga soo qaado waddanka Belgium-ka halkaasi oo uu ku dhintay bishii February.

Afhayeen u hadlay qoyska iyo xisbiga ayaa sheegay in dib ugu soo celinta Congo meydka hoggaamiyaha ay dhaceyso horraanta bisha soo socoto.

Ehelada qoyska ayaa sheegaya in dowladdu bixineyso qarashaadka lagu keenayo meydka Mr Tshisekedi, kaasi oo gacanta loo galinayo dowladda ka hor inta aan aas loo sameynin.

Dowladda Congo ayaanan wali xaqiijin heshiiskaan, balse waxa ay walaac ka qabeen in soo celinta meydka Mr Tshisekedi ay dhalin karto dibadbaxyo ka dhan ah go'aanka madaxweyne Joseph Kabila, kaasi oo uu ku ilaalsanayo xukunkiisa.