Haweeney doorasho kaga adkaatay rag la loolamayay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweeney doorasho kaga adkaatay rag la loolamayay

Doorashadii ka dhacday dalka Kenya, waxyaabaha ay kaga duwaneyd doorashooyinkii hore waxaa ka mid dumar badan oo iyagu kuraas kala duwan kaga adkaaday raggi ay ku loolamayeen.

Waxaana horay u jiray dumar badan oo iyagu qaabka qoondada dumarka ku soo geli jiray barlamaanka, balse waxaa aad u yaraa in dumarka ay ku soo baxaan kuraasta lagu tartamo.

Haddabo dumarka ku soo baxay kuraasta lagu loolamo waxaa kamid ah Safiya Cabdinuur oo ku soo baxday kursiga deegaan barlamaaneedka Ijara ee katirsan maamulka Garissa.

Guusha ay gaadhay iyo waxa ay uga dhigantahay ayay uga warantay weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoo dhacay.