Xaaladda Gaarisa oo xasilooni ku soo noqotay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda Gaarisa oo xasilooni ku soo noqotay

Magaalada Gaarisa oo rabshado ka dhaceen markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxda deegaanka ayaa maanta xasiloon oo noloshuna caadigeedii ku soo noqonysaa.

Rabshadahii ka dhacay magaalada ayaa sababay in suuqa caanka ah ee Suuq Mugdi ay dhalinyaro cadhaysani gubaan, waxaana halkaa ka dhashay khasaare ballaadhan oo soo gaadhay ganacsatada yaryar ee nolol maalmeedkooda ka raadsada suuqaas.

Maanta magaaladu way xasiloontahay nabadgelyo buuxda ayaana ku soo noqotay magaalada. Weriyaha BBC-da Bashkas Jugsoodhcay oo ku sugan magaalada Gaarisa ayaa warbixintan nooga soo diray magaaladaas.