Diego Costa: Waxaa la iila dhaqmay sida dembiile

Diego Costa Lahaanshaha sawirka ,
Image caption Diego Costa ayaa doonaya inuu ku laabto Atletico Madrid

Diego Costa ayaa sheegay in kooxdiisa Chelsea ay ula dhaqantay sida qof "dembiile" ah, waxaana uu xaqiijiyay inuu doonayo ku laabto kooxda Atletico Madrid ee ka dhisan Spain.

Weeraryahankan 28 jirka ah ayaa markii ugu dambeysay Chelsea u dheelay fiinaalkii koobka FA-ga ee bishii Mey, ayadoo tababare Antonio Conte uu bishii xigtay u sheegay inaanu ka mid noqon doonin kooxdiisa xilli ciyaareedka hadda bilowday.

Costa ayaa intaa ku daray in hadda laga dalbaday inuu la tababarto kooxda keydka ee Chelsea.

"May i fasaxaan haddii aanay i rabin?" ayuu Costa u sheegay wargeyska Daily Mail.

Costa ayaa sanadkii 2014 Chelsea kaga soo biiray Atletico Madrid, waxaana kooxdan London ka dhisan uu la qaaday laba koob oo horyaalka Ingiriiska ah iyo mid League Cup ah.

Bishii Janaayo ee sanadkan, waxaa laga reebay kulankii Chelsea ay la dheeshay Leicester, ka dib markii uu la murmay tababaraha jirdhiska ee kooxdaasi.

Markaa ka dib waxaa soo baxay warar sheegaya in Costa uu ku biirayo koox ka dhisan Shiinaha, sanadkiina uu qaadan doono mushaar dhan 30 milyan oo Pound.