Malala oo buundo sare ka keentay Iskuulka ayaa Oxford laga aqbalay

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Malala Yuusufa

Jamaacadda Oxford ee dalka Ingiriiska ayaa aqbashay in Malala Yuusufa ay ka mid noqoto arday jaamacaddaasi, kadib markii gabadhani ay darada A ka keentey imtixaamkeedii dugsiga sare oo ay dhawaan ka qalin jabisey.

Gabadhani oo heysata abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobel Peace Prize ayaa boggeeda Twitterka ku shaacisey warka ku saabsan in ay ku biireyso jaamacadda Oxford oo ay dhigan karaan oo kaliya ardayda kaalmaha koowaad ka galay dugsiyada sare.

Waxa ay baran doontaa maadada filasofiga iyo siyaasadda.

Malala ayaa waxaa rasaas la dhacay xarakada Taliban ee dalka Pakistan xili ay u ololeyneysey waxbarashada gabdhaha. Kadib iyada oo reerkeedaba waxa ay dib u dajin ka heleen dalka Ingiriiska, halkaasi oo ay degenyihiin magaalada Birmingham.

Bishii April ayay Qaramada Midoobey u magacowdey ergeygii ugu da'da yaraa ee nabadda.