Congress-ka Venezuela oo ka horyimid in awooda laga xayuubiyo

Xubnaha aqalka Congress-ka Venezuela Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xubnaha aqalka Congress-ka Venezuela

Aqalka congress-ka ee dalka Venezuela ayaa ku gacan seeray qorshe ay soo jeediyeen guddi uu soo magacaabay madaxweyne Nicolas Maduro oo ahaa in awooda laga xayuubiyo xubnaha aqalka Congress-ka.

Mucaaradka dalka Venezuela oo u badan aqalka Congreska ayaa sheegay in tallaabadan aysan aqoonsan doonin reer Venezuela iyo beesha caalamka.

Urur goboleedyada ka jira gobolkaasi ayaa dhaleceeyay awoodo guddigaasi uu u leeyahay in uu ku meel mariyo sharciyada, waxaana weriyaha BBC-da ee halkaasi jooga uu soo sheegayaa in tallaabadaasi aysan wax isbedel ah soo kordhin doonin.

Maxkamadda ugu sareyso dalka Venezuela ayaa sannadkii aynu soo dhaafnay awooda ka xayuubisay aqalka Congress-ka ee dalkaasi, ka dib markii aqlabiyadiisa ay la waregeen mucaardka, waana taasi sababta madaxweyne Maduro uu u soo dhisay guddigani, si looga gudbo xasaradaha siyaasadeed ee ka taagan Venezuela.

Dhanka kale dowladda Colombia ayaa sheegtay in Luisa Ortega oo ahaa dacwad oogihii hore ee dalkaasi uu iska dhiibay Colombia.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Luisa Ortega, dacwad oogihii hore ee Venezuela

Dowlada Venezuela ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxeyso ururka ay ku midobeen dalalka Latiin America kaddib markii ay ku edeysay in ay soo farageliyeen arrimaha dalkaasi.

Dibadbaxyadii u dambeeyay ee looga soo horjeedo dowlada dalkaasi oo ka dhacaya caasimada dalka Venezuela ee Caracas ayaa waxaa ku dhintay dad badan kaddib markii ciidamada Booliska ay ku dhufteen sunta dadka ka ilmeysiisa.

Madaxweyne Maduro ayaa horay u sheegay in qorshihiisa dhaqaale ee uu suuqa uga saarayo nuqulka lacagta bolivarka dalkaasi oo gaaraysa malaayiin ay burburisay suuqa madow.

Balse arintaasi ayaa dhalisay dibadbaxyo kaddib markii shacabka dalkaasi ay waayen lacago cadaan ah oo ay cunto ku iibsadaan.