Jermaine Jenas oo ka hadlay dadaalada Barcelona ay ugu jirto inay kula soo wareegto Philippe Coutinho

Philippe Coutinho Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Philippe Coutinho

Ciyaaryahankii hore ee xulka England, Jermaine Jenas oo ka hadlay dadaalada kooxda Barcelona ay ugu jirto inay kula soo wareegto kooxda Philippe Coutinho ayaa sheegay in kooxda Liverpool ay dhibaato isu soo jiideyso haddii ay diido in Philippe Coutinho ay ka iibiso kooxda Barcelona.

Liverpool ayaa saddex jeer ku gacan seertay dalab uga yimid kooxda Barcelona, waxaana isku daygii ugu dambeeyay ay kooxda Barcelona soo bandhigtay adduun lacageed oo dhan 114 milyan oo gini.

Arrintaasi ayaa ka dambesay ka dib markii milkiilaha kooxda Liverpool uu sheegay inaysan dooneyn in ay iibiyaan Philippe Coutinho.

Image caption Jermaine Jenas

Mr Jermaine Jenas ayaa mar uu la hadlayay barnaamijka BBC Radio 5 ayaa waxaa kale oo uu sheegay in go`aanka Liverpool uu sidoo kale saameyn ku yeelan doono isla kooxda Liverpool.

Mr Jenas ayaa intaa ku daray in kooxda Liverpool ay waxbadan ka caawisay Philippe Coutinho, balse isna uu wax badan u qabtay kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa dadaal adag ugu jirta sidii ay ula soo wareegi laheyd 25 jirkan, ka dib markii Barcelona ay kooxda Paris St-Germain ka iibisay Neymar.