Dowlada Spain oo sheegtay inay baabi'isay kooxihii ka dambeeyay weerarkii Barcelona

Ciidamada ammaanka ee dalka Spain
Image caption Ciidamada ammaanka ee dalka Spain

Dowlada dalka Spain ayaa ku dhawaaqday inay baabi'isay kooxihii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Barcelona. Wasiirka arrimaha gudaha ee Spain uan Ignacio Zoido ayaa sheegay in arrintani ay xaqiijiyeen ka dib markii ay qiimeyn iyo baaritaan ku sameyeen dadkii la dilay iyo kuwa la xiray.

Balse mas`uuliyiinta maamul goboleedka Catalan ee dalka Spain ayaa dhankooda sheegay in laga yaabo in dad horleh oo laga shakisanyahay la soo xiro.

Qoyska reer boqor ee dalkaasi ayaana manta lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan munaasabad ducco ah oo lagu sharfayo dadkii ku dhintay weerarka. Munaasabada ayaa waxaa lagu qaban doonaa kaniisada sagrada.

Image caption Qaar kamid ah dadkii ka badbaaday weerarka Barcelona

Weerrarka ayaa lagu gaystay gaari nooca Fiat-ka ah oo la jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddooyinka xaafadda Ramblas, iyadoo halkaana ay ku dhinteen 13 qof tobannaan kalana ay ku dhaawacmeen.

Booliska ayaa markii hore sheegay in nin lagu magacaabay Muusa Awkabir uu ka dambeeyay weerarkii gaariga lagu jiirsiiyay dadka.

Balse waxaa hadda la ogaaday in Muusa uu ka mid ahaa shantii nin ee ay boolisku ku dileen deegaanka loo dalxiis tago ee Cambrils.

Image caption Gaariga lagu geestay weerarka

Laamaha ammaanka ee dalkaasi ayaa horay u sheegay inay ku raad joogaan laba qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka mid ahaayeen kooxda weerarkaasi soo maleegtay.

59 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa weli ku jira cisbitaallada, 15 ka mid ahna waxaa laga dayrinayaa xaaladooda.

Todobo ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa la sheegay inay kala yihiin 5 Spain u dhalatay, mid Talyaani ah iyo mid Bortaqiis ah.

Waxaana booliska uu intaa ku daray in ragga weerarkan fuliyay ay qorshaynayeen weerarro ballaaran oo geysta khasaaro intaa ka badan.