Ciidamada Ciraaq oo billaabay duulaanka Tal Cafr

Tal Cafar Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Ciraaq ayaa durbadiiba qabsaday deegaanno hoos yimaada Tal Cafar

Ciidamada lugta ee dalka Ciraaq ayaa billaabay duulaan ay dib ugu qabsanayaan magaalada Tal Cafar oo ka mid ah deegaannada kooban ee ay hadda dalkaasi kaga sugan yihiin xooggaga ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Ciidamada dowladda ayaa durbadiiba gacanta ku dhigay dhowr deegaan oo hoos taga magaaladaasi, sida uu shaaciyay telefishinka Ciraaqiya.

Ra'iisul wasaaraha Ciraaq, Xaydar Al-Cabaadi, oo shacabka dalkiisa khudbad u jeediyay ayaa sheegay in dagaalyahannada ururkaasi ay laba mid un u furan tahay, "dhimasho ama isdhiibid".

Dowladda Ciraaq ayaa ku dhawaaqday duulaanka ay dib ugu qabsaneyso Tal Cafar, ka dib markii ay bishii hore la wareegtay gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Mosul.

Tal Cafar oo ay wada degaan Suniyiinta iyo Shiicada dalkaasi, ayaa sanadkii 2014 gacanta u gashay ururka dowladda Islaamka.

Magaaladan ayaa waxaa marta waddo muhiim ah oo isku xirta Mosul iyo soohdinta Suuriya, taasoo ururkaasi uu marsado saadka.

Ku dhawaad boqol kun oo qof oo rayid ah ayaa la rumaysan yahay inay ku nool yihiin gudaha Tal Cafar.