Booliska Spain oo dilay tuhunsanaha weerarkii Barcelona

Yuunis Abuu-Yacquub Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliska ayaa Yuunis Abuu-Yacquub ku dilay deegaanka Subirats ee galbeedka Barcelona.

Booliska Spain yaa sheegay inay toogasho ku dileen Yuunis Abuu-Yacquub, oo ah muwaadin Morocco u dhashay, isla markaana lagu eedeeyay inuu Khamiistii dad gaari ku jiirsiiyay magaalada Barcelona.

Ka dib markii uu baxsad ahaa afar maalmood, ayaa waxaa lagu arkay deegaanka Subirats ee galbeedka Barcelona, asagoo xiran wax u eg suunka laga buuxiyay walxaha qarxa.

Waxa uu ku cararay beer canab ah, booliskuna waxay toogteen markii uu diiday inuu is dhiibo oo uu suunka iska bixiyo.

Booliska Spain ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Imaam looga shakisan yahay inuu xagjir ka dhigay ragga weerarka soo maleegay, uu Arbacadii ku dhintay qarax ka dhacay warshad bambooyinka ay ku diyaarinayeen oo ku taal Alcanar, koonfurta Barcelona.

Guud ahaan sideed qof oo la tuhunsan yahay ayaa dhintay, halka afar kalena gacanta ugu jiraan booliska.