Trudeau: hadii aad tahriib ku soo gasho Canada dadka lamid ma tihid

Ra'iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau

Ra'iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in muhaajiriinta dalka Canada si sharci darro ah ku soo gala aysan heli doonin fursadaha ay helaan kuwa sida qaanuunka waafaqsan ku soo gala dalkaasi.

Trudeau ayaa intaa ku daray in dadka soo mara xuduudaha la marin doono sharciga u degsan Canada.

Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau ayaa cadaadis iyo dhaleceen badan kala kulmay siyaasadiisa ku aadan muhaajiriinta, iyadoo dowlada Canada ay wali la tacaleyso lix kun oo qof oo si sharci darro ah kaga soo talaabay xadka Canada ay la wadaagto Mareykanka tan iyo bishii july ee sannadkan.

Xisbiga mucaaradka ee Conservative-ka ayaa ra'iisul Wasaaraha dalkaasi ku eedeeyay in uu dhiira gelinayo muhaajiriinta, gaar ahaan kuwa ka baqaya in laga soo tarxiilo Mareykanka.