Weerar ka dhacay Masjid ku yaala caasimadda Afghanistan

Ciidamada dalka Afghanistan
Image caption Ciidamada dalka Afghanistan

Inkabadan labaatan qof ayaa ku dhimatay weerar lagu qaaday masjid ay leeyihiin shiicada oo ku yaala caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, iyadoo dadkii ku sugnaa masjidka ay halkaasi u yimadeen salaadii casir.

Afhayeen u hadlay wasaarada caafimaadka ee dalka Afghanistan ayaa BBC-da u sheegay in dad gaaraya afartan qof ay ku dhaawacmeen weerarkani, ka dib markii nin xirnaa jaakad ay ku raranyihiin walxaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee masjidka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in laba nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha.

Ciidamada sida gaarka u tababaran ee dalka Afghanistan ayaa markii dambe dilay raggii weerarka soo qaaday ka dib saacado is rasaaseyn ah, waxaan weerarka oo mas'uuliyadiisa ay sheegatay kooxda la magac baxday dowlada Islaamka cambaareeyay madaxweynaha dalkaasi, Ashraf Ghani.