Ururrada bulshada rayidka oo cambaareeyay weerarkii Bariire
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ururrada bulshada rayidka oo cambaareeyay weerarkii Bariire

Ururrada bulshada rayidka ee magaalada Muqdisho ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii 10 ka qof lagu dilay ee shalay aroortii hore ka dhacay beer ku dhaw tuulada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ururrada bulshada ayaa dalbaday in baarlamanku dib u eego sharciyada ay ciidamada shisheeye wadanka ku joogaan iyo in la sameeyo xeerka magdhaw-ga si xuquuq ay u helaan dadka eheladooda la dilo.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan oo ka qaybgalay shir jaraa'id oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waraystay gudoomiyaha ururrada bulshada ee SOSHENSA Diini Maxamad Diini, wuxuna marka hore weydiiyay waxa uu ku saabsanyahay shirkooda saxaafadeed.