Xulafada Sacuudiga oo qirtay duqeyntii Sanca

Burburka duqeynta xulafad Sacuudiga Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Burburka duqeynta xulafad Sacuudiga

Xulafada uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa qiray inay weerar dhanka cirka ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar iyo toban qof oo rayid ah ay ka fuliyeen dalka Yemen.

War qoraal ah oo ka soo baxay xulafada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dhacdadaasi ay sabab u tahay cillad dhanka farsamada.

Duqeynta ayaa lala eegtay goob ay maamulaan xuutiyiinya Yemen ee magaalada Sanca.

Wararka qaar na waxaa ay sheegayaan in dhowr dhismo oo halkaasi ku yaalay ay burbureen.

Xulafada Sacuudiga ayaa in muddo ah la dagaalamayay xuutiyiinta dalka Yemen, waxaana qaramad midoobay ay ugu baaqday dhinacyada isku hay dalkaasi Yemen inay ka baaqsadaan dhibaatooyin loo geysta dadka rayidka.