Orodyahan caan ah oo ka hadlay weerarkii Brussels ee lagu eedeeyay ninka Soomaaliga ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Orodyahan Soomaaliyeed oo ka hadlay weerarkii Brussels oo uu geystay nin Soomaali ah

Qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ee dalka Belgium ayaa cambaareeyay falkii uu nin Soomaali ah uu faash ku weeraray askar boolis ah oo ku sugneyd bartamaha magaalada caasimadda ah ee Brussels.

Ninkaasi oo 30 jir ah ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada booliska dalkaasi Belgium. Hal askari ayuuse gacanta ka dhaawacay.

Haddaba Bashir Cabdi waa orodyahan caan ah oo 5,000 iyo 10,000 ee mitir u orda waddanka Belgium-ka, waxa uuna sheegay in ay ka soo horjeedaan weerarkan uu ninkaasi gaystay, bulshada Soomaalidana aanay wax shuqul ah ku lahayn.

Khadka taleefoonka ee Brussels ayuu ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay waxa ku dhaliyay inuu BBC-da la soo xiriiro?