Xaggee baa laga keenaa kalluunka Berbera laga cuno?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaggee baa laga keenaa kalluunka Berbera laga cuno?

Magaalada Berbera, waxaa laga soo saaraa kalluun aad u tiro badan oo loo iibgeeyo gudaha Somaliland iyo qaybo ka mid ah dalka Itoobiya, iyadoo ay soo badanayaan dadka isticmaala kalluunka si ka duwan sidii hore.

Magaalada ayaa waxaa ku yaala xarun lagu magacaabo Gaamuur oo lagu sameeyo doonyaha yaryar ee kalluunka lagu soo jilaabto, kalluunkaasi oo lagu kaydiyo qaboojiyayaal waaweyn oo barafka dhaliya kadibna loo iibgeeyo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland iyo dalka Itoobiya.

Dhanka kale, kalluumaysatada Berbera ayaa badanaa ka cawda inay dhibaato ku hayaan maraakiib shisheeye oo kalluunka ka jillaabta xeebaha Somaliland.

Weriyaha BBC ee Axmed Saciid Cige oo dhowaan shaqo u tegay Berbera ayaa wuxuu tegay xaruntaasi oo uu wareystay madaxa sharikaddaasi kalluumeysiga Maxamed Gammuur.