Wasaaradaha dowladda Soomaaliya oo markii ugu horreysay helay internet lacag la'aan ah
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasaaradaha dowladda Soomaaliya oo markii ugu horreysay helay internet lacag la'aan ah

Ra'isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa daahfuray mashruuc internet lacag la'aana ay ku helayaan wasaaraddaha iyo hay'adaha dawladda kaas oo uu maalgaliyay Baanka Aduunka.

Hannaanka internet-ka oo la dhigay xarunta wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ayaa la filayaa in hay'adaha dawladdu uga maarmaan internet-kii gaarka ahaa ee lacagaha looga qaadi jiray.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo tagay dhismaha wasaaradda soona arkay habka uu u shaqaynayo hannaankan cusub ayaa waraystay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Injineer Cabdi Canshuur Xasan.