Maraykanka: Waanu ognahay in hogaamiyaha Taliban ka hawl galo Pakistan

Taliyaha Ciidamada Maraykanka iyo NATO ee dalka Afghanistan , General John Nicholson Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taliyaha Ciidamada Maraykanka iyo NATO ee dalka Afghanistan , General John Nicholson.

Taliyaha Ciidamada Maraykanka iyo NATO ee dalka Afghanistan , General John Nicholson, ayaa sheegay in dowlada Maraykanku ay ogtahay in hoggaamiyaha Taliban uu howlgalada ka soo qaado dalka Pakistan.

Waxaa uu u sheegay kanaal telefishin oo Afhganistan laga leeyaha, Paksiatn in looga baahan yahay in ay wax ka qabato joogitaanka hoggaamiyaha Taliban ee magaalooyinka Quetta iyo Peshawar.

Waxaa uu sheegay in arintaasi ay si gaar ah uga wada hadleen Washington iyo Islamabad.

General Nicholson waxa uu wareysi faahfaahsan siinayey warbaahinta Afghanstan tan iyo markii uu madaxweyne Trump ku dhawaaqay istraatijiyadiisa cusub ee dalka Afghanistan todobaadkii tagay.

Todobaadki hore, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in degdeg ku saaridda ciidanka dalkiisa ee ku sugan Afghanistan ay fursad siineyso ururada argagixisada ah.

Waxa uu intaa ku daray in markii hore uu ka fekerayay in ciidamada Maraykanka uu gebi ahaanba ka saaro Afghanistan, balse aanu hadda rabin inuu sameeyo khalad la mid ah kii Ciraaq.

Trump ayaa sheegay inuu ka weecanayo hannaanka waqtiga ku xiran, oo uu xoogga saarayo mid salka ku haya wax ka qabashada xaaladda Afghanistan inta ay doonta ha qaadatee.