USA: Duufaanka Harvey oo ku dhuftay gobolka Texas

Waddo daad qariyey Lahaanshaha sawirka Houston Transtar
Image caption Waddo daad qariyey

Ilaa 2,000 oo qof ayaa laga samata bixiyey daadad ku soo rogmaday magaalada Houston, iyada oo weli uu da'ayo mahiigaanka duufaanka Harvey oo mashaqeeyey gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay suurto gal tahay in dad ku dhinteen baabuurta biyuhu qaadeen, laakiin weli waxa socda baadhitaannada samata bixinta ah, waxaana sidaa sheegay duqa degmada Harris County.

Badhasaabka gobolka Texas, Greg Abbot, ayaa warbaahinta u sheegay in aanu ilaa haatan caddayn karin dad ku dhintay daadadkaas.

Wakaaladda Saadaasha Hawada ayaa sheegtay in jawigu weli yahay mid aan "la saadaalin karin". Waxaanay intaa ku dartay in daadadku sii xoogaysan doonaan oo aan gaadiid socon kari doonin.

Waxa dadkii la samato bixiyey loo furay goobo hoy ah oo ay ka mid yahay garoon wayn oo shirarka lagu qabtaa.

Badhasaabka gobolka ayaa sheegay in 250 waddo oo ku yaal gobolka Texas la xidhay isla markaana uu qaylo dhaan u diray dawladda federaalka ah si ay kaalmo ula soo gaadho 19 degmo oo gobolkaas ka mid ah oo madaxweyne Donald Trump deeq ugu yaboohay.

"Waxaanu la daalaa dhacaynaa mashaqada roobabka ka da'aya saddex jiho oo ay meelaha uu ka da'ayona ka mid yihiin magaalooyinka Houston, Victoria iyo Corpus Chiristi" ayuu yidhi Abbott.