Somaliland: Mamnuuciddii bacdu ma hirgashay?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Mamnuuciddii bacdu ma hirgashay?

Bacda ayaa waxa laga mamnuucay Somaliland muddo haatan laga joogo saddex sano markii wasaaradda deegaanku sheegtay in bacdu dhibaato u leedahay deegaanka iyo caafimaadka dadka iyo xoolahaba.

Waxa albaabada loo laabay weershedo soo saari jiray bacda oo ku yaallay Somaliland, waxaana ganaaxyo lacageed lagu riday mudadaasi dad si kootaraabaan ah bacda ku keenay bacda.

Hadaba weriyaha BBC Axmed saciid cige wuxuu tegay suuqa weyn ee Hargeysa oo dadka meheradaha haysta iyo dadweynahaba qaarkood uu weydiiyay bacdii iyo waxay ku beddeleen ee la isticmaalo hadda.