Japan: 'waa khatar aan caadi ahayn gantaalka Kuuriyada Woqooyi'

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muuqaalkan oo baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya gambaleelada gantaalada ka diga oo qaylyaya

Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal ku ridday waqooyiga Japan, arrintaas oo Ra'iisalwasaaraha Japan uu ku tilmaamay khatar "aan iyada oo kale la arag" oo dalkiisa soo wajahday.

Wuxuuna intaa ku daray in xukuumadiisu qaadayso wax kasta oo ay nolosha shacabka ku ilaalinayso.

Gantaalkan ayaa la riday wakhti hore oo Talaadadan ah, wuxuuna dul maray jasiiradda Hokkaido, ka hor intii uusan ku dhicin badda.

Gollaha ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa la filayaa in uu arrintaas kaga jawaabo kulan degdeg ah oo uu yeesho.

Ciidamada Japan iskuma ay dayin in ay soo ridaan ama dhexda ku qabtaan gantaalka in kasta oo raadaalladu markiiba digniin bixiyeen.

Beryahan dambe waxa Kuuriyada Woqooyi ridaysay gantaalo badan oo tijaabo ah, hase yeeshee dhif iyo naadir bay ahayd in ay dul mariso Japan gantaaladaa ay ridaysay.

Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka

Jimcihii iyo Sabtidii ayaa Kuuriyada Woqooyi waxay ridday saddex gantaal oo nooca ridada dhexe ah waxaanay ku dhaceen meel ka baxsan xeebaha bari ee dalkaas.

Gantaalkan la riday markii uu dul maray Japan waxaa markiiba fariimaha digniinaha ah diray raadaallada dalkaas, hase yeeshee idaacadda dawladda ee NHK ayaa sheegtay in aanu wax khasaare ahi dhicin.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption .