Bandow habeenkii ah oo lagu soo rogay magaalada Houston

Fatahaadda Houston Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Fatahaadda Houston

Maamulka magaalada Houston ee dalka Maraykanka ayaa soo rogay bandow habeenkii ah iyada oo ay magaaladu la daalaa dhacayso waxyeeladii duufaanta Harvey.

Roobkan duufaanta watay ee afartii maalmood ee la soo dhaafay ku da'ayey gobolka taxes, oo ah kii ugu waynaa inta la xasuusanyahay taariikhda, ayaa meelo badan oo magaalada ka mid ah qarqiyay.

Waxaana lagu soo waramayaa in ugu yaraan 15 qof ay ku dhinteen fatahaadda roobka ka dhalatay.

Duqa magaalada Houston, Sylvester Turner, ayaa sheegay in bandowgu lagama maarmaan noqday si looga hortago in la bililiqeysto magaalada oo ah ta afraad ee ugu wayn dalka Maraykanka.

Madaxweyne Trump ayaa gobolka Texas booqday Talaadadii si uu u soo indha indheeyo khasaaraha duufaanta Harvey gaarsiisay waxaanu ku tilmaamay in uu ahaa mid "ba'an".

Bandowga lagu soo rogay magaaladu wuxuu billaabmayaa shaqda dhexe waxaanay ku egtahay shanta aroornimo xiliga gobolka Texas. Shaqaalaha gargaarka oo keli ah ayaana loo ogol yahay inay socdaan.

Sidoo kale dadka shaqo tagaya ama ka rawaxaya ayaa loo ogolaaday inay socdaan.

Turner wuxu sheegay in bandowgan uu gacan ka siin doono ka hortagga "xatooyada hantida" taalla guryaha dadkii laga daad gureeyey.

Ujeedada keliya ee laga leeyahay bandowga ayaa ah in laga hortago "falal danbiyeedyada dhici kara".

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan