Dad ku dhintay dhul go' ka dhacay Koongo

28 qof ayaa ku dhintay dhul go'a
Image caption 28 qof ayaa ku dhintay dhul go'a

Dhul go' ka dhacay habeennimadii Talaadada magaalada Kolwezi ee jamhuuriyadda dimoqaraadiga ee Koongo ayaa waxaa ku dhintay 28 qof.

Wararku waxay sheegayaan in magaaladaas koofurta ku taalla ee macdanta laga qodo uu iminka ka socdo hawlagal lagu baadigoobayo dad weli ku hoos jira burburka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo ururka dhakhaatiirta ee dalkaas ee loo yaqaanno Symeco uu Isniintii ku dhawaaqay shaqo joojin muddo lix maalmood ah soconaysa. Dhakhaatiirta waxay ka cabanayaan arrimo la xiriira mushaarka.

Sidaasoo ay tahayna isbitaallada qaar ayaa ala sheegayaa in dadka dhul go'a ku dhaawacmay lagu dabiibayo.

Kolwezi waa magaalada ugu weyn gobolka koofurta ee Lualaba, waana meel muhiim u ah qodista macdanta Copper iyo Cobalt.

Dhiiqo soo duntay ayaa waqooyiga bari ee dalkaas waxay dhawaan ku dishay ilaa 200 oo qof, ka dib markii roobab culus ay sababeen in buur halkaa u dhow ay ku soo dunto tuulo ay kalluumaysato deggan yihiin oo saaran xeebta laagta Albert ee Ituri