Sucuudiga oo 400,000 qof ka celiyey Xajka

. Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption .

Iyada oo in ka badan malyuun qof oo xujay ah oo ka kala socda dalalka dunida oo dhami gaadheen dhulka barakaysan, ayaa xukuumadda Sucuudigu sheegtay in ay sannadkan dib u celisay ku dhawaad 400,000 oo qof oo aan sidanin waraaqo rasmi ah oo ay ku geli karaan dalka si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Sannadkan dadka laga celiyey waxa ka mid ah xujayda Iran ee sannadkii hore qaadacay Xajka markii dawladoodu sidaa ka codsatay, ka dib khilaafkii Sucuudiga iyo dalkooda ee ay isku maan dhaafeen shilkii Xajka ka dhacay 2015-kii ee 2300 qof ku dhinteen.

Sannadkan Xajku wuxu ku soo beegmay iyada oo ay xiisad u dhexaysa Qatar iyo dalalka la olloga ah ee Sucuudigu hogaaminayo ay ka taagan tahay Khaliijka, taas oo dhalisay in kumanaan qof oo Qatar u dhashay iyo kuwo degan ba laga horjoogsado in ay Xajka soo gutaan.

Ka sokow dadka tirada badan ee ka imanaya dalka dibadiisa waxa kale oo culays ka haystaa hay'adda Xajka u xil saaran tirada dadka gudaha dalka ka xajiyaya oo aan tiradooda la garanayn, taas oo ka badan tiradii rasmiga ahayd ee saami ahaan loogu qoondeeyay dadka Sucuudiga gudihiisa ka xajaya.