Colaadii Ceel Afweyn oo laga heshiiyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Colaadii Ceel Afweyn oo laga heshiiyay

Salaadiinta iyo odayaal dhaqameedka gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa waxa ay heshiis nabadeed dhexdhigeen laba beel oo in muddo ah halkaas ku dagaalmayay.

Labada dhinac ay colaadda u dhaxaysay ayaa ogolaaday heshiiskaasi.

Colaaddan qaadatay 18-ka bilood ee haatan lagu heshiiyay in la soo afjaro ayaa markii hore ka billaabatay muran salka ku haya dhul iyo ceelal biyood, waxaana ay galaafatay nolosha 17 qof halka in ka badan 100 qofna ay ku dhaawacmeen.

Haddaba si aannu faafaahin dheeraad ah uga helno heshiiskaasi ay dhinacyadu kala saxiixdeen ayaa waxaannu la xiriirnay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (boqor Buurmadow), oo u warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay inuu sharaxo qodobada lagu heshiiyay?