Siyaasiyiin dacwado la xiriira doorashadii Kenya u gudbiyay maxkamad
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Siyaasiyiin dacwado la xiriira doorashadii Kenya u gudbiyay maxkamad

In kabadan 100 siyaasi ayaa maxkamadda geeyay kiisas ay kaga ashtakoonayaan natiijada doorashadii Kenya ka dhacday bishii hore.

Dadka ashtakada geeyay maxkamadda ayaa waxa ay isugu jiraan kuwii ku tartamayay kuraasta wakiillada dowladda hoose, xildhibaanka barlamaanka Qaranka, aqalka sare iyo kursiga barasaabka.

Qaar siyaasiyiintaasi ka mid ah ayaa waxa ay ka soo jeedaan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya waxayna u muuqata in go'aankii maxkammada dalka ugu saraysa ay ku laashay natiijada madaxweynaha ay dhiirigelisay ashtakadooda.

Haddaba dadka ashtakada maxkamadda geeyay waxaa ka mid Axmed Muxumed Caato iyo Axmed Cabdullaahi Maxamed (Axmed Jiir) oo u tartamay barasaabka Wajeer.

Waxay u warrameen weriyaha BBC-da Ciise Xaaji Cabdulle. Waxaa ku hormaraya Axmed Muxumed.