Mourinho: Manchester United waxay noqon doontaa koox adag

Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho Lahaanshaha sawirka Empics
Image caption Tababaraha kooxda Manchester United, Jose Mourinho

Tababaraha kooxda Manchester United oo ka hadlay xiritaanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee horyaalka Ingiriiska ayaa sheegay in kooxda Manchester United ay noqon doonto koox adag, ka sokow khatar ka soo wajihi karta xiritaanka suuqa kala iibisga kahor xiligii loogu tala galay.

Mourinho ayaa waxaa kale oo uu sheegay in suuqa la xiray aysan aheyn mid u wanaagsan iyaga, madaama suuqyada Yurub ay furanyihiin.

Qaar kamid kooxaha horyaalka Ingiriiska ayaa toddobaadkan u codeeyay in laga billaabo sanadka dambe uu suuqa la kala wareegidda ciyaartooyda uu xirmo ka hor inta aanu furmin xilli ciyaareedka.

Haseyeeshee naadiyada Yurub ayaa suuqa la kala wareegidda ciyaartooyda waxa uu u ahaan doona sida uu hadda yahay, ayagoona iibsan kara kooxaha Premier League. Laga bilaabo xili ciyaareedka dambe, waxaa uu suuqa kala iibsiga ciyaartooyda xirmi doonaa maalin kahor inta uusan bilaabmin horyaalka Ingiriiska.

Afar iyo toban kooxod ayaa u codeeyay hindisahan,waxaana kooxaha ka soo horjestay kamid ah Manchester United, Manchester City, Watford, Swansea iyo Crystal Palace, halka kooxda Burnley ay ka aamustay