Maxaa sababa inay soo noqnoqdaan duufaannada?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa sababa inay soo noqnoqdaan duufaannada?

Labadii todobaad ee u dambeeyey waxa meelo kala duwan oo dunida ah ka dhacay duufaanno xoog leh oo khasaare naf iyo maalba leh geystay.

Isbedellada cimilada iyo kororka heerkulka dunida ayaa dad badani u aanaynayaan soo noqnoqoshada duufaannadan iyo abaaraha badan ee gobollo badan oo kan Geeska Afrika ee aan ku noolnahay ka midka yahay ku dhuftay.

Bal hadaba si aan u fahamno waxyaabaha keena masiibadan iyo in laga gaashaaman karo iyo in kale ayaanu ka waraysannay Dr. Cabdullaahi Climi Maxamed oo ku takhasusay culuumta deegaanka iyo biyaha, waxaanu u waramay Xasan Cali Geelle.