Idaacad ka hadasha ganacsiga iyo dhaqaalaha oo ka howlgasho Muqdisho
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Idaacad ka hadasha ganacsiga iyo dhaqaalaha oo ka howlgasho Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa ka shaqaysa idaacad FM ah oo baahisa kaliya wararka iyo barnaamijyada la xiriirra ganacsiga iyo dhaqaalaha.

Waa markii ugu horeysay oo magaaladaas laga dhagaysto raadiye waqtigiisa oo dhan ku bixiya kahadalka ganacsiga xili inta badan idaacadaha wadanka kajira ay tabiyaan wararka khuseeya siyaasadda, abaarraha, iyo colaadaha wadanka ka aloosan.

Raadiyahan oo soo jiitay dadka ku lugta leh ganacsiga gudaha iyo dhalinta xiisaysa lo socodka ganacsiga aduunka ayaa durba bulshada dhexdeeda caan ka noqday.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan oo booqday xarunta idaacaddaasi ayaa warbixintan noo soo diray.