Sicir bararka Somaliland oo gaaray heer uu saameeyo gaadidka dadweynaha ee Hargeysa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sicir bararka Somaliland oo gaaray heer uu saameeyo gaadidka dadweynaha ee Hargeysa

Sicir bararka ka taagan jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa saameeyay noolasha shacabka halkaa ku nool.

Gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa dhawaan sicir baraka awgii waxay kordhiyeen qiimihii bas-raaca, oo halkii uu ka ahaa 1500 shilling Somaliland uu hadda yahay 2000 oo shilling.

Darawaliinta basaska ayaa ka cabanaya inuu aad sare ugu kacay qiimaha shidaalka.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige ayaa tegay astaanka ugu weyn basaska ee magaaladaasi, waxaana uu kasoo diray warbixintan.