Muxuu soo kordhin karaa heshiiska hubka ee Turkiga iyo Ruushka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxuu soo kordhin karaa heshiiska hubka ee Turkiga iyo Ruushka?

Xulafada isbahaysiga Nato ayaa waxa ay jawaab ka bixiyeen go'aanka muranka dhaliyay ay dowladda Turkiga heshiiska kula saxiixatay dalka Ruushka, si ay isugu hubayso hannaanka difaaca gantaallada Ruushka ee S-400, taas oo Nato ay ku tilmaantay inuusan la jaanqaadi karin qalabkeeda.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegayba inay bixiyeenba carbuun ama diibaaji.

Heshiiskan ayaa la sheegayaa inuu ku kacay 2.5 bilyan oo doolar.

Waddanka Turkiga oo leh ciidammada labaad ee ugu ballaaran xulufada Nato, ayaa xiriir dhaw la sameystay Ruushka kaddib markii uu mugdi soo kala dhexgalay xiriirkii kala dhaxeeyay Mareykanka iyo Yurub.

Haddaba Ibraahim Cabdiraxmaan Mukhtaar waxa uu ku takhasuyay arrimaha ammaanka, khadka taleefanka ee Ankara ayuu ugu warramay weriyaha BBC-da Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.