Soomaaliya oo isu diyaarineysa tartanka koobka adduunka ee Mini-Football-ka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo isu diyaarineysa tartanka koobka adduunka ee Mini-Football-ka

Xulka mini-football-ka ee Soomaaliya ayaa isu diyaarinaya tartanka koobka adduunka ee ciyaarahaasi oo ay isku qeyb yihiin dalalka Brazil, Ruushka iyo Bosnia.

Tartankan oo labadii sanaba mar la qabto ayaa markii ugu horreysay 2015-kii waxaa lagu qabtay dalka Mareykanka, sanadkanse waxaa martigelinaya dalka Tuuniisiya, oo waxaa waxaa ka qeyb qaadanaya ilaa 24 xul oo 5 ka mid ah ay matalayaan qaaradda Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Haddaba studio-yaheenna Nairobi ayaa waxaa nagu soo booqday, Cabdi Maxamed Axmed (Cabdulxaq), gudoomiye ku xigeenka xiriirka mini-football-ka Soomaaliya, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay inuu inoo faafaahiyo tartankan waxa uu yahay?